Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa xarigga ka jaray dhismaha bar-xuduudka Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo, taas oo qayb ka qaadanaysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Bar-xuduudeedka Feer-Feer ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.
May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, people studying and newsroomNo photo description available.May be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textNo photo description available.May be an image of tableMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 people, beard, dais and textMay be an image of 7 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here