Warsaxaaadeed ay soo saartay Dowlada Somalia ayay ku shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Jubada hoose lagu laayay Alshabaab badan ,waxaana Dowlada ka caawiyay howlgalkaasi oo dhanka cirka aha diyaaradaa dagaalka Mareykanka.

Warsaxaaadeedka Dowlada ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
Muqdisho, 5, January 2025: Hawlgalkan oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Hawlagalkan ayaa lagu burburiyay koox ka tirsan Khawaarijta oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay soo qaadaan weerar qorsheysan, waxaana laga hortagey waxyeeladii ay doonayeen inay geystaan, xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray cadowga, inta la xaqiijiyay ayaa gaaraysa ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka oo Ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiin, waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo ka hortagga weerarrada abaabulan ee kooxdu ku doonayso in ay ku dhibaatayso shacabka Soomaaliyeed
-Dhammad-May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here