BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ee Maamulka Punland ayaa sheegaya in hooyo Soomaaliyeed ay mindi ku dishay wiil qabay gabadheeda oo ay sodoh u ahayd.
Ninkla la dilay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Allaha u naxariistee ayaa loo sababeynayaa kadib markii sodohda iyo isaga ku murmeen Gabadhayda ii fur, iyo kuu furi maayo.

Ciidamada Booliiska ayaa markiiba soo gaaray goobta waxay qabteen islamarkaana qabteen xabsigana dhigeen,waxayna sugeysaa sharciga inay marto.
Aaabaa dhalay gabadha ayaa bixiyay gabahdiisa ,sidoo kalana labada lamaane way isku faraxsanaayeen sida la sheegay  balse hooyada ayaa dooneysa in gabadha la furo gabadheeda.
Sidoo kale Gabadha waxaa la sheegay inay uur leedahay oo ay xaamilo tahay islamarkana ay xagaa bax dhanka kuleylka ah ugu maqan meel boosaaso ka baxsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and smiling
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here