JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshelle ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay Haweeneey qiratay ihay Alshabaab ka tirsan tahay.
Haweeneydaan oo magaceeds ku sheegtay Faadumo Cabdalla Warsame Guuleed ayaa xustay inay basaas u tahay Alshabaab islamarkaaana ay qaabilsanayd inay xogaha ka soo ururiso xarumaha Dowlada ,maamulka iyo xeryaha ciidamada.
Mar la weydiiyay inta ay ka tirsan tahay Alshabaab ayay sheegtay inay sedex sano ka mid tahay ayna tababar ku soo qaadatay Gobolka Shabeelaha hoose.
Haweneydaan waxay intaas ku dartay inay hada dhaw tagtay Jowhar balse ay sida caadiga ah ka howlgaleysay in mudo ahba Magaalada Muqdisho iyadoona xustay inay sahmin jirtay meelaha la doonayo in weerar ka fuliyaan Alshabaab.
Kooxo wata jaaladaha la isku qarxiyo iyo qoryo ayay sheegtay inay magaalada ku jiraan oo ay qaarlood iyada guryo u kireysay isla markaana dhawaan uu qorshaha ahaa inay weeraro fuliyaan walow la qabtay iyadii sahminta u qaabilsaneyd.
Myqdisho meelaha ay soo sahmisay waxay ka xustay isgoyska Zope,degmaxa waabari iyo meelo ka mida xaafadaha Madiina sits tabayaako madow.
Sidoo kale Jowhar meelaha ay sahmisay waxay ka xustay madaxtooyada,bada cas iyo goobo kale
Laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu wadaa inay dhawaan u gudbiyaan Maxkamada ciidamada qalabka sida si dacwadèeda loogu qaado.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM