Muqdisho – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XHGS) ayaa maanta si rasmi ah u furay wajiga saddexaad ee tababar ku saabsan Nidaamka Maareynta Heshiisyada (Contract Management System – CMS) ee dowladda.
Tababarkan, oo ay ka faa’iideysteen 20 hawl-wadeen oo ka kala socda 14 hay’adood oo dowladeed, ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo uu XHGS waday muddooyinkii la soo dhaafay. Horey, waxaa nidaamkan loogu tababaray saraakiil iyo hawl-wadeenno ka kala socday 30 hay’adood oo durba si habsami leh ugu shaqeynaya.
Hantidhowraha Guud ee JFS, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, oo daahfuray wajigan saddexaad, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay casriyeynta nidaamyada dowliga ah, fududeynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta hufnaanta maamulka.
“Dukumiintiga adag ama waraqaddaha ah waxa uu noolaan karaa waqti kooban, balse xogta dhijitaalka ah waa mid waarta oo dhowrsan, lana heli karo xilli kasta oo loo baahdo,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud, isagoo sharaxaya doorka muhiimka ah ee Nidaamka CMS-ka ee kaydinta iyo maaraynta heshiisyada dowladda.
Sidoo kale, Hantidhowraha Guud waxa uu xusay in horumarka teknolojiyadeed uu yahay laf-dhabarta dhisidda kalsoonida shacabka iyo kor-u-qaadidda u hoggaansanaanta sharciga, taas oo aas-aas u ah horumar waara.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono tababarrada ilaa dhammaan hay’adaha dowladda ay si buuxda ula jaanqaadaan adeegsiga nidaamkan casriga ah ee kor u qaadaya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul-wanaagga.












