Hantidhowraha Guud ee JFS, Avv: Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta saxiixay “Qorshaha Guud ee Baarisyada XHG” uu sameynayo sanadkan 2025, kaas oo ay ku qeexan tahay baaxadda baarisyada kala ah:
1. Baarista Warbixin Maaliyadeedka (Financial Audit);
2. Baarista Mashaariicda (Project Audits);
3. Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga (Compliance Audit);
4. Baarista Waxqabadka (Performance Audit);
5. Baarista Macluumadka Tiknoolojiyadda (Information Systems Audit); iyo
6. Baaritaannada Gaarka ah (Special Audits).
Abuukaate Guutaale ayaa inta uusan saxiixin qorshaha cusub waxa uu la kulmay dhammaan hantidhowrada, waxa uuna ku wargaliyey in ay si adag isaga xil-saaraan hawshooda, ayna ku taagnaadaan wadada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta si ay u soo baxdo natiijo wax-ku-ool u ah ilaalinta khayraadka iyo hantida dowladda, taas oo xoojineysa dowladnimada Soomaaliya.May be an image of 10 people, people studying and textMay be an image of 9 people, people studying and newsroomMay be an image of 7 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here