Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo kaashanaya Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS ayaa magaalada Nairobi ugu soo gabgabeeyay howl-wadeeno ka tirsan Waaxda Baarista Waxqabadka (Performance Audit), wajiga koowaad tababar la xiriira qorsheynta baarista waxqabadka.
Tababarkaan ayaa ujeedadiisu ahayd sara u qaadista aqoonta iyo xirfadda howl-wadeenada Waaxda Baarista Waxqabadka iyo ka maridhalinta yoolasha xafiiska ee kobcinta khibradda iyo aqoonta howl-wadeenada XHG ee JFS, si loo soo saaro baaris waxqabad oo wax-ku-ool ah.
Advertisement