Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta oo ay tahay 𝟑𝟎 𝐉𝐮𝐧𝐞, 𝟐𝟎𝟐4, waxa uu si waafaqsan Qodobka 45 (3) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud u gudbiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (FGS Financial Audit Report) iyo 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐔 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 (Compliance Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2023.

Warbixinnadan ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah si waafaqsan Qodobka 10 (1) ee Sharciga Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (Sharci Lr. 14, ee 2023), waxa ayna dadwaynuhu ka daalacan doonaan mareegta XHG (𝐰𝐰𝐰.𝐨𝐚𝐠.𝐠𝐨𝐯.𝐬𝐨) muddo hal (1) bil ah kaddib sida uu qabo Qodobka 45aad, farqaddiisa 4aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 2019).

Advertisement

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here