XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u ammaanay Raphinha kadib bandhig cajiib ah oo uu la yimid qeybtii labaad ee ciyaartii Celta Vigo. Flick ayaa shaaca ka qaaday inuu la hadlay Raphinha intii lagu jiray nasashadii ciyaarta, isagoo si toos ah ugu dhiirrigeliyay inuu maskaxda beddelo oo uu door hoggaamineed qaato garoonka dhexdiisa.
Flick ayaa yiri:
“Markii nasashada la gaaray, waxaan Raphinha ku iri: ‘Fikir wanaagsan yeelo. Garoonka waxaan kaaga baahan-nahay adigoo hoggaan ah.’ Markaas kaddibna wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah.”
Raphinha oo inta badan lagu yaqaan dadaalkiisa iyo xamaasaddiisa ciyaarta, ayaa qeybtii labaad noqday mid si dhab ah u saameeyay kulanka, isagoo abuuray fursado badan oo halis ah, kana mid noqday xiddigaha ugu firfircoon garoonka.
Hadalkan kasoo yeeray Hansi Flick ayaa muujinaya xiriirka adag ee ka dhexeeya tababaraha iyo ciyaartoydiisa, iyo sidoo kale sida uu ugu tiirsan yahay xirfadda iyo kartida Raphinha, gaar ahaan marka kooxda u baahan tahay dhiirrigelin gudaha garoonka ah.
Barcelona ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo ay doonayso inay ku dhammaystirto xilli ciyaareedkan si guul leh, waxaana muuqata in ciyaartoyda sida Raphinha ay yihiin kuwo door weyn ka ciyaari kara himilooyinka kooxda ee tartamada kala duwan