Raphinha, xiddiga garabka uga ciyaara kooxda FC Barcelona, ayaa shaaca ka qaaday sida wicitaan ka yimid tababaraha kooxda, Hansi Flick, uu u beddelay mustaqbalkiisa kubadda cagta. Ka dib xilli ciyaareed aan lagu qancin uu ku qaatay Barcelona, Raphinha wuxuu ka fiirsanayay inuu ka tago kooxda, laakiin wicitaankii Flick ayaa wax walba beddelay.
“Hansi Flick wuxuu nolosheyda u beddelay si aan la rumeysan karin,” ayuu yiri Raphinha. “Wuu i soo wacay,wuxuu igu yiri imow tababarka ka hor inta aan go’aan gaarin, maadaama uu doonayay inuu ila hadlo oo uu igu tiirsanaado.” Wicitaankan ayaa noqday isbeddelkii ugu weynaa ee go’aankiisa ku aaddan sii joogista kooxda.
Raphinha ayaa la tashaday xaaskiisa ka hor inta uusan qaadan go’aanka kama dambaysta ah. “Waxaan u sheegay xaaskeyga: Haddii ninkan uu yahay mid caadil ah oo uu arko dadaalkayga tababarka, waxaan ku qasbi doonaa inuu i jeclaado toddobaad gudihiis, wuuna igu farxi doonaa. Waxaan u maleynayaa inaan saxnaa,” ayuu yiri Raphinha.
Tan iyo markaas, Raphinha wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Flick, isagoo ku hogaamiyay Barcelona guulo waaweyn. Waxqabadkiisa cajiibka ah ayaa sidoo kale ka dhigay musharrax xooggan oo u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or, taas oo Flick uu si buuxda u taageeray. “Haddii uu sidaan oo kale u sii wado, Raphinha wuxuu leeyahay fursad uu ugu guuleysto Ballon d’Or,” ayuu yiri Flick.
Sheekada Raphinha iyo Flick waxay muujineysaa sida kalsoonida iyo taageerada tababaraha ay u beddeli karto mustaqbalka ciyaaryahan, taas oo keentay in Raphinha uu noqdo xiddig muhiim ah oo ka tirsan Barcelona.