BEIRUT (DAYNIILE.COM):-Waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada aad ugu soo xoogeystay Qorshayaasha hanjabaadaha ay mar kasta is dhaafsanayaan Dagaalyahanada Hezbollah iyo Israa’iil

Dagaalyahanada Muslimiinta ah ee Hezbollah waxay sheegeen inay awoodaan inay la dagaalamaan Isra’iil ilaa laga heshiiyo oo xabad joojinta ay ka dhacdo marinka Gaza.

Advertisement

Waxaa jirta warar sheegaya in Israa’iil ay dooneysi inay  dagaalada Gaza ka soo wareejiso oo ay usoo jeesato dhanka  Lubnaan,waxaana hadalo sidaas u eh hore u shaaciyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Axaddii ayuu Netanyahu sheegay in Israa’iil ay joojinayso howlgallada Rafah oo ay u wareejin doonto Lubnaan.

Weerarada Israel ayaa ilaa hadda ka barakiciyay ku dhawaad ​​100,000 oo qof guryahooda oo ku yaala koonfurta Lubnaan waxaana lagu dilay ugu yaraan 435 qof, oo 349 ka mid ah ay ururka Xisbullah ku sheegtay inay xubno ka yihiin.

Xisbullah ayaa u muuqata in ay ku dheggan tahay qorshaheeda, isla markaana ay is barbar dhigayso hadallada Israa’iil iyo teeda kale, waxayna sii xoojisay weerarrada xudduudaha ah – oo ay illaa hadda ku dileen 15 askari Israa’iil ah iyo 10 qof oo rayid ah, sida ay Israa’iil sheegtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hassan Nasrallah, Lebanon, Hezbollah, and Benjamin Netanyahu, Israel

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here