Qore:Yahya Amir

Duqa Magaalada ma taqaan?

Advertisement

Haddaad Xil qaado, waxaa badanayo Qaraabadaada iyo Saaxiibadaa.

Aniga oo fadhiyo “Mogadishu Mall” ayaa waxaa ii yimid, Cali, Axmed, yusuf iyo Saynab oo aad u daalan, dhidid iyo xanaaq badanina ka muuqdo. Waxa ay igu yiriheen, waxaan ka nimid Xarunta Gobalka si aan ula kulano Duqa cusub ee Magaaladda in kasta oo aanan Ballan leheyn, Saxmad badan ayaana ka jirtay Gobalka waana nalaga soo celiyay.

1. Cali, ayaan weeydiiyay maxaad ka doontay?.
Waxa uu igu yiri: Qaraabo dhaw ayaan nahay weligeeya isma arag, isaguna maba ogo in aan Qaraabo nahay.

Waxaan ku iri: Maxaad isku tihiin?

Waxa uu igu yiri: Xaaska walaalkeey qabo, Hooyadeed Nin ay ilma habreed yihiin Gabar uu dhalay, ayaa wiil u dhashay Adeerkeey, Wiilkaas gabar ay ilma Abti iyo ilma Eedo yihiin iyo Xaaska Duqa Magaalada Ayeeydeed ayaa Qaraaba dhaw ah. Duqa Magaaladuna maba ogo in aan sidaa isagu dhawnahay.

2. Axmed ayaa yiri: Aniga dhinaca Diinka ayaan Xiriir dhaw ka leenahay oo Macalinkii Qur’aanka i baray iyo Macalinkii isaga Qur’aanka baray ayaa isku Macalin ahaa, sida uu ii sheegay Kabiirkii Dugsi Qur’aankeeyga oo Loox jiif damiina ahaay, kaa oo Hadda ah Qandaraasle Gobalka ka fuliyay Mashaariic badan oo mugdi lagu siiyay.
Raggii i yaqiin ayaa maanta irida iga soo celiyay, Duquna maba ogo in Macalimiinteenii Dugsigu ay isku macalim ahaayeen in kasta oo Anigu aan Qur’aanka ka gaaray Jus Cammo.

3. Yusuf ayaa yiri: Qurbaha intii uu joogay isaga iyo saaxiibkeey ayaa iskula jiray “Media group” lagu wada sheekeeysto, Saaxibkeey iyo isaguna in kasta oo ayna toos isku arag hadana Hal dal ayeey Passport ka wada heeystaan, waana isku dhawyihiin oo isku mar ayeey passport-ka wada qaateen, marna iyaga oo safar ah ayey isku Dayaarad ahaayeen laakin ma kulmin oo Saaxiibkeey oo Transit ahaa ayaa Dayaaradii ka tagtay. Duqo maba ogo Xiriirkaa weyn ee naga dhexeeyo. Weliba isaga iyo Saaxiibkeey in Labadooduba Timo male. .

4. Saynab ayaa tiri: Aniga waxaan aheyn Deris. Guriga uu deganaa Duqu yaraantiisii, guriga gadaal ka saaran Lootada ku xigto, Gurigii mitirkubaha ahaa ee ka sii jeeday una dhawaa Tinaarka Muufada Aay Faay ka soo hor jeedka jiiradkiisa Dugsiga ku yaal, jidka ka baxo Busteejada labaad guriga ku soo jeedo ayaan deganaa jiray, Deris waa Deris Aduunyo.

Kadibna

Aniga ayeey i weeydiiyeen ma taqaan Duqa Magaalada?.

Waxaan ku yiri: Haa, Maya.
Waxa ay igu yiraahdeen maxaad ka wadaa? Waxaan ku iri: waxaan Aqiin isaga oo ahaa Ardaygeygii Jaamacadda, Laakin ma aqaan isaga oo Duq Magaalo ah. Somalidu Badanaa Xilka ka hor waa Qof, xilka kadibna waa Qof kale. Ma rabo in aan aado ileeyn Dan gaara kama lihiye, mana rabo in aan dhibo ama uu i dhibsado.
( Danteeydaa oo gaar ah, iskulamaba dhici doonee ee Allow, aanan iskula dhicin, Xuquuqda Maamulka Banadir State iyo Dantiisa gaar ah oo iska hor yimaad, ama in magaca Federaal iyo Caasimada lagu dulmiyo Dadka deegaanka, taas oo keeni karta War iyo Wab keenii ku guuleystaba)

FG: Duqa magaalada Ha loo Duceeyo, Dhib ku filan faraqoow ku heeystaa, haddii kuwo aan ogahay shaqaale iyo Qaraabatooyba ay Xafiiska uga sii horeeyaan.
kuwa Danleey ah, Xildhibaano xuurteysan, Nabadoono Naar afuuf ah, Duubab aan darajo deeqin, Sharciyeeye shar abuur ah, Ganacsato Garaad laawayaal ah, intaa oo aan arkayayna ay ku sii qulqulayaan Xafiiskiisa, Xamarna Xil gudasho ka rabo, dhibanayaashuna Cadaalad ka rabaan, Bulshaduna Guud ahaan Horuumarin Nololeed ka sugee. La arki doonee, sida uu wax u maareeyo mustaqbalka.

Howshiisa Allaah ha u fududeeyo.

Qore:Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here