Habdhowraha Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Nuur ayaa beeniyay wararka sheegaya in mooshin loo gudbiyay si kulanka maanta oo ah mid daahkur ah loogu dhex qariyo.

Nuux ayaa sheegay in Soo jeedin ama Mooshin soo gudbintiisa ay xaq u leeyihiin Xildhibaannada sidaas awgeed sida uu dhigayo xeer hooseedka ay ku shaqeeyaan loo baahan yahay in lasoo mariyo Xafiiska shaqada ku leh.

Advertisement

“Mlaga hadlayo baraha bulshada & xarunta Golaha Shacabka way kala duwan yihiin, Mooshinka waa soo jeedin, mar weliba Xildhibaanka waxa uu xaq u leeyahay in uu soo gudbiyo, wax soo gaaray xafiiska Guddoonka ma jiro” Habdhowraha Baarlamaanka JFS, Maxamed Xasan Nuux.

Waxaa aad loo hadal yahay muddooyinkii dambe mooshin ka dhan ah Xukuumadda Dan Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre sida ay sheegeen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka 11aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here