Jowhar, 28-May-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran Golaha Wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid waxaana diirrada lagu saarayay howlaha Ha’yaddahaasi ay ka wadaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horreeyn madaxda Hay’addaha ayaa sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.

“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan Hirshabeelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta Hay’addihii uu maanta kulanka la qaatay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur.
May be an image of 1 personMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "WFP お unice"May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais and text that says "unicef) unicefi SHO"May be an image of 2 people, dais and text that says "unef© kel"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here