MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta kulan wada-tashi ah yeeshay
Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya xili bilahaan danbe aysan wax kulamo ah yeelan oo fasax ay ku jireen.

Gudoonka labada Aqal waxay ka arrinsadeen dardar galinta howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo furitaanka Kalfadhiga 5-aad oo ay horyaalaan shuruuc badan oo aas-aas u ah dowladnimada.

Kulankaan waxaa fadhiyay Gudoomiyaha  Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo sidoo kale xubnaha kale waxaana lagu lafa gurey sida ugu dhaqsiyaha badan in shaqadii baarlamaanka la dar dargeliyo islamarkaana loo diyaar garoobo furitaanka Kalfadhiga 5-aad.

Shirkaan oo sidoo kale ay goob joog ahayaane hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo xoghayaha guud ee Aqalka Sare  Cabdinaasir Ibraahim Guuleed waxaa uu ku soo aadayaa xili kalfadhigii hore si weyn looga dooday looguna ansixiyay qodono dhowr ah oo ku saabsan dhameystirka Dastuurka.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person and beard
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here