Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar caawa uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusu Madaale ayaa si rasmi ah caawa xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub Maxamed Axmed Amiir kaasoo dhawaan qurbaha ka yimid.

Advertisement

“Guddoomiye Madaale iyo maamulkiisaba waxaan ku amaanayaa sidii ay Amniga wax uga qabteen.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo munaasabada xil wareejinta ka hadlaayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh oo isna munaasabada ka hadlay ayaa soo jeediyay in maamulka cusub ay tahay in lagala shaqeeyo sidii uu magaaladan u qurxin lahaa.

“Guddoomiye Amiir Kusoo dhawaw u qidmaynta Afar malyan oo ku nool caasimada.” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) .

Dhanka kale Gudoomiyaha cusub Maxamed Axmed Amiir oo isna hadalo kooban jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay inuu rabo in lagu qiimeeyo waxqabadka uu la iman doono

“Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, shaqadeydu waa in aan idiin adeeggo, ee maahan in aan idinka adeegto.” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir

May be an image of 9 people, suit and weddingMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people and suitMay be an image of one or more people and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here