Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Ujeedka booqashadan ayaa aheyd mid ay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga dhaxe iyo sidii ay ugu jawaabi lahaayeen baahiya kala duwan ee taagan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka jawaabi doono baahiyaha kajira Xabsiga maadaama ay ku xiran yihiin in ku dhow Laba Kun oo Maxaabiis ah.

Guddoomiye Yabooh ayaa u balan qaaday Xabsiga dhexe   in maamulka Gobolka Banaadir uu kaalin ka qaada doono buuxinta baahiyaha ka jira Xabsiga.

May be an image of 10 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 7 people, people smiling and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here