Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa daahfuray Tababar la xariira Horumarinta Caasimadda iyo u diyaar garowga doorshooyinka iyo wacyigelinta bulshada, kaasi oo loo qabtay qeybaha kala gedisan ee bulshada Degmada Boondheere.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in Tababarkaan uu bulshada Degmada Boondheere u horseedayo sidii ay u xalin lahaayeen arrimaha khilaafaadka dhexdooda ah iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen Doorasho qof iyo Cod ah si codkooda ay ugu doortaan qofkii ay u arkaan in masiirkooda ay ku aamini karaan.
Furintaanka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Boondheere Mudane Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi (Jahweyn), Agaasimaha Xafiiska Duqa Muqdisho, Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—












Advertisement