Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Guddoomiye Timacadde oo tilmamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shaqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka.

DHAMMAAD.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here