Muqdisho, 01 December 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Hogaanada Ururka Dhalinyaradda Gobolka Banaadir oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin sanadeed lagaga dhageystay Hogaanada Ururka Dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025.

Advertisement
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Hogaanka Dhalinyarada Gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha Nabadda, Horumarka iyo Dowlad-dhiska, iskuna diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee lagu wado in uu ka dhaco dalka.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 6 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling, glasses and newsroomMay be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here