Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyey go’aanka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qamaramada Midoobay kaas oo lagu soo afjaray howlgalka UNSOM.

Qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya muujisay bisayl iyo kalsooni ah ka maarmidda Kaalmada dibada qaar kamid ah.

“Inkastoo Qaramada Midoobay ay muddo dheer kaalin weyn ka qaadaneysay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka xasiloonida iyo dowlad-wanaagga, go’aankan wuxuu astaan u yahay horumarka Soomaaliya ay gaartay, iyo sida Soomaaliya u daneyneyso in ay ku tiirsanaato awooddeeda gudaha iyo dowladnimadeeda.
Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo muujinaysa in dalkeenu uu si rasmi ah ugu dadaalayo inuu iskiis u wajaho caqabadaha dhanka amniga iyo horumarka.” ayuu yiri.
May be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here