
Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamuusayay xeerkan ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay in xeerka la aqoonsado, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO ayaa dhowaan xeerkan aqoonsatay, iyadoona lagu daray dhaqamada dunida ka jira ee lama taabtaanka ah, waxaana si gaar ah xeerkani u wadaagaya bulshada Ciise ee degta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jibuuti.
Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.




Advertisement