HomeWarkiiGudoomiye ku xigeenka CAF oo Muqdisho ka dhoofay

Gudoomiye ku xigeenka CAF oo Muqdisho ka dhoofay

Muqdisho – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxaya Gudoomiye Ku xigeenka CAF Ahna Xubin ka tirsan Gudiga FIFA Suleiman Waabari, oo sidoo kale ah Madaxweynaha kubadda cagta Jabuuti oo muddo labo cisho ah u joogay howl shaqo oo muhiim ah caasimadda dalka.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Mr Suleiman waxa uu kulamo miro-dhal ah la yeeshay Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul wasaare Hamsa abdi barre iyo hay’ado kala duwan, oo sports ka ah sida Madaxweynaha Kubadd cagta Somalia

Ali abdi Mohamed isaga oo diiradda saarayay xoojinta xiriirka iyo horumarinta mashaariic kubadda cagta somalia ee ay siiyaan CAF IYO FIFA.

Suleiman Waabari waxa uu hadda ku sii jeedaa dalka Ghana, halkaas oo uu kaga qeybgalayo gabagabada Ciyaarha iskuulada U 15 CAF oo heer dhamaada maraaya iyo kulan muhiim ah oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin iyo daneeyayaal kala duwan ee horumarinta ciyaaraha africa.

Safarkiisa Ghana ayaa lagu wadaa inuu sare u qaado xiriirka iskaashi ee u dhexeeya sidoo kale dhinacyada jabuuti Iyo Ghana isla markaana uu fursado cusub u abuuro bulshada Geeska africa oo dhan .
WAXAA QOREY:
Wariye iyo Garsoore Maxamed SomaliMay be an image of 3 people and aircraft
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -