Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, isagoo helay codad gaaraya 56 cod halka Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed oo la tartamayay uu isna helay codad gaaraya 18 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay.
Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Junaland Xildhibaan Sheekh Cabdi ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambaysta ah.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen ayaa ku guuleystay doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, isagoo helay codad gaaraya 51 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Cali Maxamuud uu helay 22 cod.
Gudoomiyaha KMG ee Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad.
Advertisement