Dhagax-dhigyada mashaariicda horumarineed waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dadaalka lagu bixinayo horumarinta adeegyada bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, uu mar kale shalay dhagax dhigo Xarunta Keydka Daawada oo bishii April 2024 kii uu dhagax dhigay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxay dhalisay su’aalo iyo falanqeyn ku aaddan sababaha ka dambeeya arrintan iyo saamaynta ay ku yeelan karto maamul wanaagga.
Marka la eego dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhagax-dhiggu wuxuu inta badan noqday hab xayaysiin uun ah oo aan micno badan laheyn. Waa arrin marar badan dhacda in madaxdu ay goob dhagax dhigaan, sawirro iska qaadaan, kadibna mashruucii uu halkaas ku dhamaado.
Dad badan ayaa aaminsan in Guddoomiyaha cusub uu doonayo in uu muujiyo inuu wax qabad leeyahay. sidoo kalena uu doonayo in dhagax dhigida iyo xarig ka jarida uu isku qaato.
Dad badan ayaa aaminsan in Agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir ay rabaan in Guddoomiyaha cusub uu mar kale dhagax dhigo mashruucyo horey loo dhagax dhigay si ay ugu muuqdaan inay shaqo hayaan.
Waxaa laga cabsi qabaa in haddii Guddoomiyaha cusub uu sii wado dhagax-dhigyo is-daba joog ah, ay dadweynuhu lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan maamulka.
Marka la eego horumarka caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in maamulka cusub uu ka fogaado wax kasta oo muujinaya in uu u janjeero dhagax-dhigyo is-daba joog ah, halkii uu diiradda saari lahaa fulinta iyo dhameystirka mashaariicda horey loo ballan qaaday.
Dadka qaar ka mid ah oo ka falceliyay dib u dhagax-dhigga Guddoomiyaha cusub ayaa si cad u muujiyay sida ay uga xun yihiin dhaqankan, iyagoo ku baaqay in la joojiyo xafladaha is-daba jooga ah, laguna beddelo ficil dhab ah oo wax ka taraya nolosha shacabka.
Dadweynuhu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen baahida loo qabo dhameystirka mashaariicda horey loo bilaabay, halkii laga abuuri lahaa sawirro iyo munaasabado aan wax badan soo kordhinayn.
Qeylo-dhaanta shacabka ayaa si gaar ah diiradda u saartay wadooyinka burbursan ee caasimadda Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer ahaa caqabad hortaagan isu-socodka, ganacsiga, iyo nolol maalmeedka dadka.
Waxa ay Guddoomiyaha ugu baaqeen in uu xoogga saaro dib u dhiska iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaale, si uu uga dhabeeyo ballanqaadyadii Madaxweynaha Qaranka ee ahaa in wax laga qabto cabashooyinka shacabka Muqdisho.
Shacabka caasimaddu waxay u baahan yihiin horumar la taaban karo, oo aan ku ekaan xaflado iyo ballanqaadyo mar kasta dib u soo noqda. Waxa ay rajeynayaan in maamulka cusub uu muujiyo ficil muuqda, lana arko isbeddel dhab ah oo ka tarjumaya baahiyahooda dhabta ah.
Waqtigu waa mid muhiim ah, waxaana la sugaa in Guddoomiyaha cusub uu caddeeyo inuu yahay hoggaan wax qabad leh, oo aan lagu xasuusan doonin keliya dhagax-dhigyo is-daba joog ah.