Muqdisho-Soomaaliya November, 02, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Maxamed Dileita iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay Magaaladda Muqdisho islamarkaana dib ugu laabtay wadanka jamhuuriyadda Jabuuti.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Muqdisho, waxaa uu kulamo la qaatay madaxda qaranka, isaga oo sidoo kale khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 9 people
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Muqdisho, waxaa uu kulamo la qaatay madaxda qaranka, isaga oo sidoo kale khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
Advertisement
         
LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here