Muqdusho 06,Luulyo,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ku meel mariyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogaa dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo iska kaashanaya kuwaas oo dagaal kula jira Khawaarijta.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xoogga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 9 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais, crowd and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here