Muqdisho-Soomaaliya 11, February, 2025: Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 8 people, lighting and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beard
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here