RUUN-NIRGOOD (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha dhexe Macalin Muxudiin Kulmiye ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dagaalkii saaka ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku qaadeen guul weyn laga gaaray.
Dagaalka oo saacado qaatay ayuu Gudoomiyuhu wuxuu shaagay in Milatariga iyo macawisleyda ay ka saareen kooxdii Alshabaab ee degmadaasi heysatay mudooyinkii danbe.
Alshabaab meelaha ay ku sugnaayeen waxa ka mid ahaa xaruntii Degmadaasi taasoo si buuxda guud ahaan Magalada looga saaray saaka kadib duulaanka lagu qaaday.
Xaalada ayaa hada degan ,dhanka kalana waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac inkastoo warar sugan aan wali laga helin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM