HomeWarkiiGudoomiyaha Midowga Afrika oo maanta Muqdisho ku soo wajahan

Gudoomiyaha Midowga Afrika oo maanta Muqdisho ku soo wajahan

WAR DEG DEG AH: Maxamuud Cali Yusuf ayaa kuguulaystay Doorashada Gudoomiyaha  Midowga Afrika. Waxuu ka adkaaday Raila Odinga oo Kenya matalayay. Maxamuud  waa wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti. · Abdirizak Atosh · FacebookMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Caasimada dalka ee Muqdisho waxaa saaka ka socda qaban qaabada soo dhaweynta Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf kaasoo maanta ku soo wajahan Magaalada.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu ka soo degi doono ayaa si gaar ah looga dareemayaa soo dhaweynta wafdiga gudoomiyaha Midowga Afrika ee maanta lagu wado inuu soo caga dhigto.

Maxamuud Cali Yuusuf oo dhawaan xilkaan loo doortay ayaa la hadal hayaa inuu madaxda sar sare ee Somalia kala hadli doono arimo ay ka mid yihiin dagaalka Alshabaab iyo howlgalka cusub ee Somalia ka bilaabanaya sanadkaan.

Dhanka Dowlada wali saxaafada uma xaqiijin socdaalka la hadal hayo inuu maanta Muqdisho ku yimaado Gudoomiyaha Midowga Afrika oo ah siyaasi u dhashay dalka walaalaheena ah ee Jabuuti.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -