MATABAAN (DAYNIILE.COM)-Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa  maanta gaaray magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyagoona ka yimid dhanka Feer-feer sida uu sheegay Gudoomiyaha Magaalada Matabaan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir C/raxmaan Sheekeeye ayaa wareysi uu siiyay BBC laanteeda afka soomaaliga wuxuu sheegay in Ciidamadaasi ay saacado ku sugnaayen Matabnaan islamarkaana uu la kulmay saraakiishii hogaamineysay ciidamadaasi.

Advertisement

Gudoomiyaha wuxuu xusay in dood dheer kadib ay isla gartee inay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen madaama Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabellaba aysan waxba kala socon ciidamadaasi.

“waxay noo sheegeen in Faderaalka iyo Hirshabelle ay ogeysiis siiyeen laakiin markii aan xiriir sameynay waxaan ogaanay inaaney jirin wax dalab ah oo ku saabsan ciidamadaasi marka la eego Faderaalka iyo Hirshabelle     sidaas daraadeed madaama aysan xogtoodu cadeyn waxaan dalbanay inay naga laabtan waana naga aqbaleen”ayuu yiri Gudoomiye Bashiir C/raxmaan Sheekeeye .

Gudoomiyaha mar uu ka hadlaayay qiyaastiisa tirada ciidamada maanta soo gaaray Matabaan wuxuuna sheegay inay ku qiyaasayaan 3kun ilaa 4ku ciidan oo badankood lugeynayay .

“waxaan u sheegnay degmada Matabaan iyo deegaanada ku dhaw ay xor yihiin islamarkaana aysan jirin hada wax dhibaato ah oo dhanka amniga, markaa kadib way naga tageen”ayuu yiri Gudoomiyaha Matabaan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here