Gudoomiyaha degmada Halwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo kaashanaayo Agaasimaha Waaxda Gadiidka Gobalka Banaadir Abdukadir Cigaal ayaa maanta shaqa ka bilaabay dayactirka Warta cagadhiig oo ku taalla degmada howlwadaag ee Muqdisho,
Wartaan caga-dhiig waa goob muhiim ah oo biyaha roobka lagu ururiyo si looga hortago fatahaadaha iyo in biyuhu fariistaan waddooyinka. Dib u dayactirka warahan ayaa muhiim u ah hagaajinta bilicda magaalada iyo fududeynta isu socodka gaadiidka.
Waxaa jiray dadaallo lagu hagaajinayo waraha magaalada, oo ay ku jiraan Warta Boondheere. Tusaale ahaan, waxaa la sameeyay qodista afar biyo-qabad oo kala ah Boondheere, Hilac, Xamar Weyne, iyo 15 May, si biyaha wasaqda ah looga saaro biyo-qabadkaas.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda gadiidka maamulka gobolka Banaadir ayaa ku taliyay in biyaha fariista waddooyinka loo leexiyo waraha jira, sida Warta cagadhiig iyo Warta Siigaale, si looga fogaado in biyuhu ku ururaan waddooyinka, taasoo qayb ka ah horumarinta waddooyinka caasimadda wuxuna faray dadweynaha in ilaaliyaan warta si bu yiri u buuxsamin wuxuna ku amaaanay guddoomiyaha degmada Halwadaag shaqada u haayo bulshada islamarkaasne ay kala shaqeyn doonaan dayactirka wartaan muhiimka ah.
Sidoo kale Gudoomiye Bashiir Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka degan agagaarka warta caga dhiiga ay ilaaliyaan maadaama laga bilaabay dayactir wuxu yiri” Cidda qashin ku shubta iyadoo shaqada ay socota waxay la kulmi doonaan ganaax waxana u sameenay waardiyo ilaalin doono asigio aad ugu mah celiyey Agaasinka Waaxda Gadiidka oo si habsimi leh ula shaqeenaayo .
Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorsheyaasha maamulka gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo kaabayaasha magaalada, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay waruhu u leeyihiin maaraynta biyaha roobka iyo hagaajinta bilicda caasimadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la sii wado dayactirka iyo daryeelka waraha si loo hubiyo in ay si hufan u shaqeeyaan, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo biyaha fariista waddooyinka, taasoo ka qayb qaadaneysa horumarinta iyo bilicda magaalada Muqdisho.