MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Dharkeenleey Yuusuf Xundubey ayaa qaaday Talaabo ku dayasho mudan oo dadka degmadaasi degan iyo guud ahaan bulshada Caasimada  aad ugu riyaqeen.

Howlgal uu horkacayo Yuusuf Xundubey ayuu ku furey wadooyin ku dhawaad 20 sano xirnaa kuwaasoo qaarna dadku gurya ka dhex dhisteen qaarna waxaa ka soo baxay oo xirey geedka loo yaqaan geed jiniga ama cali garoobta.

Advertisement

Gudoomiyaha oo ka war bixinaayay howlgalkaasi muhiim u ahaa isku socodk dadka iyo gaadiidka ayaa balan qaaday inuu furi doono inta u harsan oo howlgalkiisu uu sii socon doono,.

“wa furanaa dhamaan ama biyaha roobku aha xiro ama geedo haka soo baxaan ama shaqsiyaad gaara ha dhistaan anaga waxaa naga go’an inaan dhamaan furno meel kasta oo wado dan guud ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Dharkeenleey.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here