CEE-BARAF (DAYNIILE.COM)-Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa xilkii ka qaaday Guddomiyihii Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe Yusuf Hurshow kaasoo ay ciidamada Dowlada xireen xalay.
Talaabadaan ayaa daba socota dhacdadii doraad ka dhacday tuulo hoos tagta Ceel-baraf markaasoo maleeshiya beeleed ay halkaasi ku dileen ciidamo ka tirsan milatariga Somalia kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ilaa 6 askari.
Masuulkaani oo xabsi ku jira ayaa hadana xil ka qaadis laga sii daba tuurey iyadoo lagu wado in ugu dambeyn garsoorka la hor geeyo hadiina cadeyn lagu hayo inuu si uun ugu lug leeyahay xasuuqa ciidamadaasi Dowlada loo geystay ama hadii loo heysto inuusan si degdeg ah wax uga qaban.
Ciidamo nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ka tirsan ayaa guud ahaan deegaanka Ceel-baraf iyo tuulooyinka u dhaw dhaw waxay ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii askarta Dowlada laayay si sharciga loo horkeeno.
Ciidamada ayaa dadaal ugu jira sidii ay u fulin lahaayeen balanqaadka Wasiirka gaashaandhiga Somalia ee ahaa inay 48 saac ku soo qabanayaan maleeshiyaadkii dhibaatada geystay.
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement