Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Baledweyne Cumar Calasow ayaa ka hadlay qaraxii shalay galab ka dhacay magaaladaasi kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ciidamadu ku baaraan gaadiidka magaalada soo galaya kadib markii gaari caasi ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku dayay inuu xoog ku dhaafo barta lagu baari lahaa.

Advertisement

“Gaariga qaraxa siday ayaa markuu xowli ku dhaafay ciidamada ay rasaas ku fureen sidaasna uu ku qarxay”ayuu yiri gudoomiyaha Baladweyne

Gudoomiye Cumar Calasow ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da wuxuu ku xaqiijiyay isaga ogaantiisa dhimasho ka badan 4 ruux oo shacab iyo ciidamada Milatariga isugu jira , inkastoo uu xusay inay wali jirto hubinta dad kale oo wax ku noqday.

Sidoo kale dhaawacyada ayaa 10 ka badan sida uu sheegay Gudoomiyaha kuwaasoo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay,masuulkaani wuxuu xaqiijiyay 3 ka mida dadka dhintay inay shacab yihiin.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baladweyne Cumar Calasow wuxuu xaqiijiyay in isla shalay saldhigii ATMIS ee Baladweyne inay la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya taasoo qeyb ka ah bixitaanka ciidamada ATMIS ee Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here