Muqdisho September, 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ku geeriyooday magaaladda barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan guddoonka iyo guud ahaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxaan ehelada, qaraabadda iyo guud ahaan umadda Soomaaliya uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Illaahey ha u naxriistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, Rabbi SWT naxtiistiisa jano haka waraabiyo dhamaaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaam dadka Soomaaliyeedna samir iyo
iimaam haka siiyo”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Ugaaska uu ahaa nabadoon kaalin aad u qiima badan kasoo qaatay nabadda iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here