MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta iyo wafdi uu hor-kacayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoona ay keentay diyaarada Qatar Airways.
Wafdigaani Jabuuti ka socday waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qolka FIP-da kula hadlay saxaafada iyo wafdiga ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta walaalaha Jabuuti gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.
“Gudoomiye ku soo dhawaw Muqdisho oo aad la idinka jecel yahay ,mudo ayaan garoonka idinku sugeynay sidaad noogu weyn tihiin, ugu danbeyn alle ayaa mahad leh si nabad ah idinku soo gaarsiiyay adan Cadde Airport hadana waa daalan tihiin dib baan iska warsan doonaa insha allaah”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta ayaa soo dhaweyntiisa ka sheegay inuu yimid dalkiisa labaad uuna ku faraxsan yahay
“Dalkeenii labaad ayaan joognaa, farxad ayayna nootahay in sidaan aad noosoo dhaweysaan.”ayuu yiri Gudoomiye Dileyta Maxamed Dileyta
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM