MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa daboolka ka qaaday inay jadwalka doorashooyinka ku shaacin doonaan wax ka yar asbuuc.
Guddoomiyaha Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka C/kariin Axmed Xassan oo maanta la hadlay Saxaaada ayaa sheegay in todobaad wax ka yar ay ku soo shaacin doonaan jadwalka doorashooyinka.
Advertisement
Doorashooyinka tooska ah ee qo iyo cod ayaa ah qorshaha Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan sheekh xili mucaaradkuna ay ku celcelinayaan ineysan Dowladu qaban karin doorasha qo iyo cod ah marka la eego waqtiga u haray oo ah wax ka yar sanad iyo bar.
Hadaba halkaan ka daawo Gudoomiyaha Gudiga oo sharaxaya qorshahooda ay jadwalka ku shaacin doonaan maalmo kooban:-
Advertisement