Guddiga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo Khawaarijta.

“Guddigu wuxuu uga goleeyahay in uu la dagaalamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka, Aqoonsiga iyo cunaqabataynta shakhsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh Khawaarijta, Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo, isla markaana la cunaqabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’adaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabadgalyada dalka,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Advertisement

Tan iyo markii la ansixiyay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman 2023, Guddigu wuxuu soo saaray laba liis oo lagu beegsanayo kooxaha Khawaarijta ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here