Kismaayo June 10,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ku dhex maray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubbaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cunna- qabateyntii hubka ee dalka saarneyd iyo ku biiristii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiillada Jubbaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada dalka.
Dhamaad
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 people, people studying and textMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, people smiling and newsroomMay be an image of 2 people and people smilingMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here