MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka iyo soohdimaa Dowlada Somalia C /kariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay waqti kordhin ay u sameeyeen is diiwaan galinta urarada Siyaasada.
Masuulkaani wuxuu shaaciyay inay ku dareen waqtigii hore 21 maalmood sababo uu ku shaagay xaq lahaanshaha qof kasta oo Soomaali ah ee doonaya inuu is diiwaan geliyo.
“Saaxada siyaasada dalka si uu xaq ugu yeesho qof walba oo Soomaaliyeed waxaan is diiwaan galinta urarada aan ku darnay mudo 21maalmod” ayuu yiri Gudoomiye C/kariin.
Gudoomiye C/kariin mar uu sharaxaad dheeraad ah ka bixinayay sababta waqtiga ay ugu dareen ayuu sheegay inay ka codsadeen siyaasiyiinta dooneysa inay is diiwaan geliyaan.
“sidaad la socotaa waqtiga aan hore ugu qabanay inay ku egtahay is diiwan gelinta ururrada siyaasada ayaa ahayd 31-ka Bishaan March oo maalmo yar ay ka harsan yihiin sidaas daraadeed waxaa naga codsaday inaan 21 maalin ugu darno siyaasiyiinta dooneysa inay diiwaan geliyaan waana ka aqbalnay”ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka C/kariin Axmed Xassan
Dhanka kale lacagta is diiwaan gelinta mar uu ka hadlayay gudoomiyaha wuxuu ku celiyay inay tahay 10-kun doolar sidii horaba loogu shaaciyay marka laga reebo ururadii is diiwaan geliyay ee hore lacagta u bixiyay balse kuwa cusub waa laga rabaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM