Gudiga doorashooyinka iyo Wasaarada Warfaafinta oo ku heshiiyay wacyigalinta dhanka doorashooyinka+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ay wehliyeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusf Cumar Alcadaala, ku Simaha Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta Qaranka ayaa xarunta Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha guddiga, xubnaha guddiga iyo Agaasimayaasha u xilsaaran wacyigalinta iyo diiwaan galinta dadweynaha.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Guddiga ee wacyigalinta dadweynaha ee howlaha doorashooyinka iyo kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee doorashada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddiga ku bogaadiyay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo ay ugu muhiimsan tahay kor u qaadista wacyiga dadweynaha, isaga oo hoosta ka xariiqay ka go’naanta Wasaaradda ee taageerada guddiga ee howlaha wacyigalinta Dadweynaha iyo Warbaahinta.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS kaalinta Wasaaradda ee Wacyigalinta bulshada, wuxuu sheegay in guddigu ay ahmiyad weyn siinayaan wacyigalinta dadweynaha ee doorashooyinka oo ay wasaaraddu laf-dhabar u tahay.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda iyo Guddiga ayaa isku raacay hannaan farsamo oo guddiga Doorashooyinka looga taagerayo masuuliyadooda Wacyigalinta dadwynaha iyo Warbaahinta.May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 4 people, suit and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text that says "CHF 65"May be an image of 2 people, beard, people studying, newsroom and textMay be an image of 3 people, people studying, suit, newsroom and text that says "UHF HF"May be an image of 7 people, people studying, table, newsroom and textMay be an image of 5 people, suit, table, television and indoorsMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 3 people, suit and newsroom
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here