Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Goboledyada Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu wehliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey )iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).

Anjandaha kulanka ayaa ahaa wadashaqeynta Hay’adaha amniga iyo qorshaha amniga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh ayaa guddiga warbixin guud ka siiyay amniga guud ee Dalka iyo sidii looga hortagi lahaa khataraha ka imaan kara Khawaarijta.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here