NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha Kenya beeniyay tiradii uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Kenya in laga dilay banaan-baxayasha iyagoo shaaciyay laba jibaar intii uu Ruto hore u xusay.

War uu soo saaray  Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha Kenya ayaa lagu sheegay in 39 qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii dhacay maalmihii ugu danbeeyay.

Advertisement

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay in tirda dhimashada banaan-baxayaasha ay tahay 19 ruux halka Qudiga Qarana uu shaaciyay 39 taasoo tiradii Ruto laba jibaar ka dhigtay inkastoo aysan soo hadal qaadin xisaabta Ruto.

Gudiga oo sharaxaad dheeraad ah ka bixinayay diiwaan gelintooda ayaa daboolka ka qaaday inay ka bilaabeen 18-kii bishii hore ee June ilaa 1-da bishan hada dhalatay ee July.

Warbixinta Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha Kenya ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in xabsiga la dhigay 627 oo dibadbaxayaasha ka mid ahaa,sidoo kale gudiga wuxuu diiwaanka ku daray 32 ruux oo la waayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here