Muqdisho-Soomaaliya 13, April, 2025: Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qeyb-galay Daah-furka Ololaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, taasi oo bilow u noqoneysa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fursad weyn ay tahay in awooda dib loogu celiyo shacabka si ay iyagu go’aan uga gaaraan cida hogaamineysa waxa uuna aad usoo dhaweeyay in maalmaha soo socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga bilaabo Degmada Shangaani ee Gobolka Benaadir.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir in ay is diiwaangeliyaan isla markaana isku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq






















