HomeWarkiiGuddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah yeeshay

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa y kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka labada guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda.

Guud ahaan kulanka waxaa  diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidii looga howlgeli lahaa shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimadeenna.

Kulanaan sidoo kale wuxuu ku soo aadayaa xili kulankii ugu dambeyaye ee baarlamaanka Soomaaliya uu u baaqday buuq iyo fowdo ay ku fureen qaar ka mida Xildihbaanada kuwaasoo ka hor yimid Gudoonka xili ay xitaa burburyeen makaroofanka.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -