Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in dalka ay ka dhaceyso Doorasho qof iyo cod ah si Shacabku u doorto mas’uuliyiinta u adeegaya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in Baarlamaanka 11aad uu ku guuleystay ka gudubka caqabado badan oo horyaallay Soomaaliya sida Daynta cafinta, nidaaminta doorashooyinka iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Dalalkii la burburay Soomaaliya ayuu sheegay in muddo saddex jeer ah ay marayaan doorashooyinka Dadweyne taasina ay muujineyso sida ay isugu duubmayn Madaxda iyo Shacab laguna gaaray himiladaas sida uu hadalka u dhigay.
“Baarlamaanka 11aad Dalka isbaddel badan buu ku keenay oo ummadda Soomaaliyeed u baahnayd, Shuruucdii caqabadaha ku ahaa ee caalamka nala tacaamulayay markasta na weydiisan jiray waan ka guuleysanay sidii aan uga gudbi lahayd alle mahadi, Dalalkii gadaasheen burburay waxa ay marayaan in saddex jeer ama afar jeer ayay Doorasho marayaan innagana meeshii ayaan taaganahay” Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in laga qaybgalo doorashada Dadweyne ee Dalka ka dhaceysa si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax ku doortaan loogana gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo dhisay shantii dowlad ee sida xiriirka ah usha isugu dhiibay.