BADHAADHE (DAYNIILE.COM)-Maxamed Ibraamim Fanax oo ah Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose islamarkaana hoos taga Maamulka Jubaland ayaa siyaasad ahaan la saftay Dowlada Somalia.
Gudoomiye Maxamed Ibraahim ayaa ka hadlay baahidakeentay in ciidamada Dowlada loo geeyay Degmada Badhan gaar ahaan deegaanka raas-kanbooni , sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee degmada Badhaadhe.
Masuulkaan wuxuu ugu horeyn carabka ku adkeeyay ciidamada Dowlada iyo Maamulka Jubaland ay hal mid yihiin.
“ciidamada Maamulka Jubaland waa hal mid ,ciidamada Dowladana waa hal mid, askarta faderaalka Soomaaliya iyagaa xaq u leh inay sugaan amaanka dalka, inay ilaaliyaan xuduudaha dalka”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe.
Masuulkaan wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Xooga dalka inay xaq u leeyihiin inay la wareegaan meelaha ay baneeyaan ciidamada Atmis.
Mar uu si gaar ah uga hadlayay hadal heynta tagitaanka ciidamada Dowlada ee Degmada Badhaadhe ayuu is weydiiyay waxa u diidaya in ciidamada qaranku tagaan Badhaadhe.
“ma garanayo waxa u diidaya ciidamada Dowlada inay tagaan Degmada Badhaadhe, maxaa yeelay ciidamada faderaalku waxay joogaan Gedo iyo Jubada hoose”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe Maxamed Ibraamim Fanax
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM