Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soojeedinta wax-kabbedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.

Guddoomiyaha Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka KMG kuna boorriyay in la dardargaliyo howlaha wax-kabeddelka Dastuurka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, smiling and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling and wrist watchMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, beard, smiling and wrist watchMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, beard, people smiling and glassesMay be an illustration of map and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here