Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka qeyb galay Shirka La-tashiga Hay’adaha Dastuurka ee heer Dowlad Goboleed iyo Maamulada kale ee dalka.
Shirka ayaa waxaa looga hadlaayay soo jeedinta wax ka bedelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad iyo dhameestirka Dastuurka KMG ee dalka.
Sidoo kale, Guddomiye Amiir ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Bulshada Gobalka Banaadir ay helaan Maqaam iyo Matalaad, aqalka sare na ay ku yeelato xubno matala Muqdisho.
“Magaalada Muqdisho waa in ay noqoto Dawlad Goboleed buuxda oo Waajibaadkeeda iyo Xuquuqdeeda leh, sidoo kalena waa in la go’aamiyo in Aqalka sare 21, Xubnood loogu daro si ay u matalaan Banaadir iyo Muqdisho”. ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday hey’adaha Dawladda ee u xilsaaran Dastuurka in ay tixgeliyaan rabitaanka Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa daarnaa la tashiga Hay’adaha Dastuurka ee heer Dowlad Goboleed iyo Maamulada kale ee dalka, si loo dhameystiro wax ka beddelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG ee dalka.